Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay Go,aanka ciidanka Maraykanka looga saarayo Soomaaliya taasi oo ka dambeysay ka dib markii madaxweynaha xilka ka siidegaya ee maraykanka uu ku dhawaaqay in dhammaan ciidanka maraykanka ee jooga soomaaliya laga soo saro mudda Xilkiisa ka harsan
War kasoo soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay inay soo dhowaynayaan Go’aanka uu Maraykanku ku sheegay in Ciidanka ka jooga gudaha Soomaaliya kala baxayo.
Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo gaartay wargelin dhaqan amar Madaxweyne ay kasoo gaartay Madaxweynaha Xilka kasii degaya Donald oo ah in Soomaaliya laga saaro Ciidamada Ameerikaanka ah ee Jooga.
Madaxweyne Trump oo Xafiiska wareejinaya 20-ka Janaayo 2021 ayaa damacsan in Soomaaliya uu ka saaro 700 Askari marka la gaaro 15-ka Janaayo 2021 oo ah Shan cishe kahor xil wareejintiisa.
Trump ayaa damacsan in uu geeyo dalalka Soomaaliya deriska ah askarta & saraakiisha uu ka saarayo Soomaaliya si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa waxa uu uga yeeray Argagixisada Geeska Afrika.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com