Shirka Wadatashiga midawga musharrixiinta madaxweynaha dalka uga socdo Muqdisho oo galay maalintii afaraad ayaa waxaa mar kale ka qeyb galay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed.
Musharrixiinta ayaa sedaxdii maalin ee shirku socday waxay aad uga hadleen hannaanka ugu haboon ee dalka ay uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.
Guddoomiyaha aqlka sare, guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku-xigeenkiisa, bulshada rayidka ah, dhaqanka, dhallinyarada iyo culimada oo siyaaba kala duwan uga qeyb galay kulanka ayaa talooyin wax ku ool ah ku biiriyay musharrixiinta.
Ganacsatada, Haweenka iyo Beesha Caalamka ayaa sidoo kale shirka maanta ka qeyb gelaya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com