Ra,iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Jawaab u diray Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenya, oo dhowaan sheegay in Soomaaliya ay kasoo saari doonaan Hogaamiye Cusub.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qatar “ayaa yiri ‘ Dawlad kasta oo ina soo Farageliso way ku khasaari doontaa, Waa laga gudbay Wakhtigii Masuul Soomaaliyeed uu dal kale yeelan jiray oo ku shaqaysan jiray, Waxaynu horay Makhraati uga ahayn sidii 4-Sanno ka hor meesha looga saaray Damacii TPLF ee dalka ay doonaysay inay ku farageliso Doorashada Soomaaliya
Dhinaca kale Mudane Mahdi Guuleed ayaa Tilmaamay in Madaxwayne Farmaajo Doorashada soo socota uu ku guulaysan doono Wareega Koobaad.
Dhaqankii Siyaasadeed ee Afartii Sanno hala beledo hogaanka waa laga gudbay, waxaa loo dhaqaaqay Soomaalinimo, Halaga Qayb galo Tartan Furan oo Xor ah”. Ayuu yiri Ra,iisal Wasaare ku xigeenka Mahdi.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com