Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Guusha uu gaaray Joe Biden 

Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa Hambalyo u diray Madaxwaynaha Cusub ee Dawladda Maraykanka JoeBiden iyo Ku xigeenkiisa  Kamala Harris.

Madaxwayne Farmaajo wuxuu u rajeeyay Guul Hogaanka Cusub ee Maraykanka, Wuxuuna tilmaamay in Xidhiidh dhow iyo Wadahsaqayn ay kala dhaxayn doonto, Wuxuuna tilmaamay in Dawladda Maraykanku ay Horumarka Soomaaliya door xoogan ku leedahay.

Biden ayaa noqonaya madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka, ka dib markii uu ku guuleystay gobolka uu ku dhashay ee Pennsylvania, halkaas oo uu helay 20 cod ergo oo uu u baahnaa si uu u gaaro 270 ka cod ergo ee uu u baahan yahay qofka madaxweyne ka noqonaya dalkan Mareykanka, xitaa haddii lagaga badiyo codadka guud ee dadweynaha.

Ka hor inta uusan noqon murashaxa Dimuquraadiga, Mr. Biden waxa u uku-xigeen u soo noqday Madaxweynihii hore Barack Obama oo uu sideed sano xilkaasi hayay. Sidoo kale waxa uu soo noqday Senatarkii ugu mudada dheeraa ee ka soo gala gobolka Delaware oo uu ku fadhiyay 36 sanadood.

Waxa uu ku dhashay magaalada Scranton ee gobolka Pennsylvania, sanadkii 1942-kii intii uu socday dagaalkii labaad ee aduunka.

Waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu da’a weynaa taariikhda Mareykanka, 20-ka bishan ayuuna noqonayaa 78 jir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com