Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo Ansixiyay Miinsaaniyada 2021 iyo kharashka doorashada 2021

Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel mariyey ku Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021, oo uu ku jiro Kharashka Doorashada 2020/2021.
Miisaaniyadda guud ee sannadka 2021, oo dhan $671.8 million ayaa u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.
Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira; Caafimaadka, Waxbarashada, Ka hortagga fatahaadaha, Garsoorka iyo Dib u dhiska waddooyinka.
Sidoo kale, Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com