Madaxweyne Deni iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo u Amba baxay Magaalada Adis Ababa ee Caasimada Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Puntand, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia.

Madaxweyne Deni iyo wefdigiisa, waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Madaxtooyada Puntland iyo mas’uuliyiin kale.
Safarka Madaxweyne Deni ee dalka Ethiopia, ayaa ku saabsan Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo Wax soo-saarka Khudaarta, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Ethiopia iyo Puntland, waxa ka dhexeeya xiriir Ganacsi oo u badan wax soo-saarka gudaha, kaas oo isaga gudba xuduudka labada dhinac ee ku dheraran Gobollada Mudug iyo Cayn, kuwaas oo soohdin la wadaaga Gobolka Doollo ee Dowlad degaanka DDS.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com