Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Macallin Khaliif oo dhowaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas, ayaa kala wareegay xilka Wasiir dawlihii hore Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaana munaasabadda xil wareejinta goob-joog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Mudane Xasan Macallin Khaliif, Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyada Villa Somalia, oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiir dawlaha, ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hortebinta leh ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiir dawlihii hore ee Madaxtooyada Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii u soo qabtay intii uu xilka hayey iyo kuwa horyaalla Wasiir dawlaha cusub, Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha harsan.
Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiir dawlihii hore, waxa uuna kula dardaarmay Wasiir dawlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman.
Munasaabadda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, Wasiir Ku xigeenka Amniga Gudaha, Caadil Sheegow Sagaar, Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com