Waare oo Magacaabay Xubnaha Hir shabeele ku Matalaya Gudiga doorashooyinka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay xubnaha Hirshabeelle ku mataya guddiga doorashooyinka Federaalka iyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka.

Xubnaha guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ku matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayuu madaxweyne Waare u magacaabay Cabdinaasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow.

Sidoo kale, xubnaha Hirshabeelle ku mataya guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal, ayuu Mr Waare u magacaabay Farxiyo Xassan Cismaan iyo Liibaan Cusmaan Nuur.


Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com