Maxamed Sheekh Cusmaan oo ah Xeer ilaaliyaha Guud ee Jubbaland ayaa sheegay inay jiraan, Wasiiro, Xildhibaano, iyo Odayaal dhaqan oo dadaal ku bixinaya marka lagu soo eedeeyay shaqsi ay matalaan fal dambiyeedyo uu kamid yahay kufsi si ay u badbaadiyaan.
Xeer ilaliyaha Jublabland ayaa sheegay in marnaab Jubbaland aysan ogolaan doonin falalka uu kufsiga kamid yahay,sidoo kalena dadka lagu helo aysan aqbali doonin in dad siyaasiyiin ah ay damaanad kusii daayaan.
Waxaa uu u digay Xeer ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan dadka kufsiga geysta, waxaana uu sheegay in Jubbaland aysan dadkaasi ka hari doonin, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Dalkeena Soomaaliya waxaa ka dhacay falal kufsi iyo dil loo geystay Gabdho aad u yar, waxaana jira dad loo haayo kufsigaas oo Maxkamad sugayaal ah iyo kuwo aan weli gacanta lagu dhigin
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com