Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Dr Cali Khaliif Galeydh oo ku geeriyooday Magaalada Jig Jiga iyo Taariikhda oo aan idiin soo gudbineyno

Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Cali Khaliif Galeydh ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlada  degaanka Soomaalida Itoobiya.

Cali Khaliif ayaa la sheegay in uu ku xanuunsanaa magaalada Jigjiga, waxaana geeridiisa xaqiijiyay qaar ka Tirsan eheladiisa.

Cali Khaliif Galeydh, wuxuu soo noqday Ra’iisul wasaare Soomaaliya 2000-2001, sarkaal Wasaaradda Arrimaha Gudaha 1965-1967, Wasiirka Warshadaha 1980-1982 iyo 2014 oo noqday madaxweynihii maamulkii la magacbaxay Khaatumo.

Dr. Cali Khaliif Galeydh oo cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay jaamac ku taalla Mareykanka, wxaana uu ku geeriyooday isagoo 79 sano jir ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com