Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Faah Faahiyay Halwlgalo ka socda gobolada shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka ayaa hawlgal waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose.

Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Kumaandooska Gor Gore e Guutooyinka 3aad iyo 7aad ayaa sheegay in Hawgalka laga Sameeyay degaanka Basra ee duleedka Degmada Balacd iyo degano kale oo ka Tirsan gobolka shabeelaha Hoose

Saraakiisha ayaa sheegay in Hawlgalka ay ciidanka ku bur-buriyeen maxkamad Alshabaab ay lahaayeenwaxaana sidoo kale ciidanka ay hawlgalka ku dileen Xubin Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Basro oo hoos-yimaado degmadda balcad ee gobolka shabeelaha dhexe,

 

Taliyaha ciidanka xoogga s/guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Idaacadda codka ciidamada qalabka Sida u sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay bur-burinta Xaruumaha shabaab ku ay ka degan yihiin degaanadaasi

 

Jenaraal Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xoogga ay u diyaarsan yihiin siddii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa shabaabwaa sida uu hadalka u dhigayee.

 

Warkaan ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay Tikniko ah oo saarnaayeen Ciidamo ka Tirsan Militariga Soomaaliya Qarax lagula beegsaday Degaanka Basra eek u yaala duleedka degmada Balcad Qaraxaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com