Laamaha Amniga Degmada Afgooye oo soo qabtay Dhalinyaro lagu eedeeyay in ay ka Tirsan yihiin Shabakad ka ganacstada Caruurta

ciidamada Amniga Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay laba Nin oo ka Tirsan shabakad ka ganacsata Cauurta , labada Nin ayaa la sheegay  in ay ku Hawl jireen in Boosteejada Degmada Afgooye Gaari PL ah ay ka soo Saaraan Gabar yar oo la baadi-goobaya, waxay ku sheegeen muuqaal laga duubay in ay ka tirsan yihiin Shabakad ka Shaqeysa Ka ganacsiga Caruurta, qafaalida gabadhan yar ee lagu qabtayna ay ku qaateen lacag dhan ($500).

Saraakiisha Amniga Degmada Afgooye ayaa sheegay in Raggaan Baaritaano lagu sameyn doono ka dib sharciga la horgen doono

Magaalada Muqdisho iyo degaanada Kale ee u dhow ayaa waxa ku soo badanayay qafaalida Caruurta yar iyadoo ilaa hadda la la, yahay Cauur badan oo waalidkooda aysan ogeyn halka lagu haayo

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com