Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dawladda iyo shacabka Kuwait uga Tacsiyeeyey geerida Amiirkii Wadanka Kuwait Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo ku geeriyooday ydalka Maraykanka, isagoo da’diisu ahayd 91-sano.
Madaxweyne Farmaajo yaa uga Tacsiyadeeyay Dhammaan Qoyska boqortooyada iyo eheladii uu ka baxay amiirka Kuwait, waxaana uu xusay in dawladda Kuwait iyo shacabkeeda uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya, taas oo uu rajeynayo inay sii socoto, waxaana uu amiirka geeriyooday ku sifeeyey mid caan ku ahaa arrimaha samafalka.
Sheekh Nawaaf Al-axmed oo walaal la ahaa Amiirka geeriyooday ayaa ayaa maanta loo dhaarin doonaa Amiirka cusub ee Kuwait, waxaana maanta kulan yeelanaya Baarlamaanka dalkaas
Amiir Sabaax, waxa uu muddo ka badan nus qarni ku jiray siyaasadda dawladda Kuwait, isagoo noqday, Ra’iisal wasaare, wasiirka warfaafinta iyo wasiirkii arrimaha dibadda ugu waqtiga dheeraa Kuwait, sidoo kalena waxa uu Amiir dalkaasi ka noqday 2006-dii.
Sheekh Sabaax waxa uu calaaqaad gaaar ah la lahaa Soomaaliya, waxaana uu Beer ku lahaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo uu waqtiyo nasiino ah ku qaadan jiray 1978-dii iyo sanado ka dambeeyeyba.
Kuwait waxay qabanqaabinaysay sanadkan inay marti galiso shir muhiim ah oo looga hadli lahaa horumarinta waxbarashada Soomaaliya, balse waxaa loo baajiyey cudurka Crona dartiis.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com