Darawalada Basaska Norwey oo shaqa joojin sameeyay.

Oslo:Dalka Norwey darwaladii Basaska ayaa banaanbax shaqo joojin ah ka sameeyay labada gobolka ee ugu weyn wadanka oo ay ku jirto Caasimada Norwey ee Oslo.

Wadayaashaan oo kor u dhaafaya 12000 oo darwal ayaa shaqada joojiyay laga soo bilaabo Axadii. Waxa ay ku doodayaan in mushaaarka loo kordhiyo.

Shaqo bixiyaasha ayaa ka cago jiidaya arinkaas, waxaana rintaani ay saameyn kuyeelaatay bulshada inta badan isticmaasha gaadiidka dadweynaha gaar ahaan baska.

Labada gobol ee wadayaashu ay shaqada ka joojiyeen waxaa lagu magacaaba Viken iyo Oslo, waxaana la leeyahay weli ma dhawa in xal la gaaro.

Ururada u dooda xuquuda shaqaalaha ayaa soo abaabulay shaqo joojinta iyagoo doonaya in darwalada loo kordhiyo mushaarkooda.

Soomaali badan ayaa ka mid ah wadayaasha basaska ee wadankaan Norwey iyadoo ay qeyb ka yihiin darawalada shaqada joojiyay.

Mohamed Abdi Nahar.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com