Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaaladda Muqdisho uga qeybgalay xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynayo.
Mas’uuliyiinta ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada soo diyaarisay xafladda, ayaa Madaxweyne Deni ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay Puntland iyo doorkiisii muhiimka ahaa ee uu ka geystay heshiiska lagu go’aamiyey Doorashada Dalka ka dhici doonta .
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan oo weliba loogu sameeyay degmada Howlwadaag ee uu ku dhashay kuna soo koray.
Xafladda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad, Goleyaasha Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Muqdisho.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com