Madaxweynaha Jubland oo kulan kula yeeshay Muqdisho Xildhibaano ka Tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya

 Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Jubaland.

Kulankan oo ahaa Qado sharaf uu Madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay Xaalada dalka, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada guud ee Jubaland.

 

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay sida uu wakhtigiisa ugu huray in xal laga gaaro khilaafyadii siyaasadeed Soomaaliya ka jiray iyo sida looga gudbay wakhtigan adag.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com