Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ah ay Madaxweynaha uga mahad celiyeen sida uu hormuudka uga noqday in dalku uu helo hannaan Doorasho oo heshiis lagu yahay isla markana meesha ka saara walaaca ay Bulshadu ka qabtay mustaqbalka dalka ee xiligan kala guurka ah.
Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in Ururada Bulshada Rayidka ah xubnaha ka socday ay sidoo kale sheegeen in ay Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhiman loo dhamaystiri lahaa.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com