Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Alshabaab oo ku dagaalamay gobolka Galgaduud

Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya  iyo Alshabaab ayaa ku dagaalamey Deegaanka Miir-dugul oo ka tirsan Gobolka Galgaduud kadib howlgal qorsheysan oo ciidamadu ku Sameeyeen Degaankasi Islamarkaana Halkaasi ay kula dagalameen Alshabaab

Ciidamo ka tirsan Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad oo howlgalkaas ka  fuliyay Waxaana Warar ku ay sheegaan in Ciidanka Galmudug iyo Kuwa Dawlada Federaalka ay sugan yihiin goobtii  lagu dagaalamey sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dawlada Federaalka oo Halkaasi ku sugan

Lama oga ilaa hadda khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka waxana la sheegaya in xaaladu ay degan tahay

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com