Mas,uuliyiin ka socta dowladda Mareykanka ayaa kulamo gaar-gaar ah saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho kula qaatay hoggaamoyeyaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulamada oo ka dhacay xarunta Xalane, gaar ahaan dhismaha safaaradda Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto, taliyaha Howlgalada gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Anderson iyo taliye ku xigeenka taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Amb. Young.
Intooda badan waxaa kulamada uu Mareykanka la qaatay Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta Gareen diirada lagu saaray ammaanka iyo dagaalka Alshabaab.
Sidoo kale waxaa kulamada lagu soo qaaday iskaashi xoog leh oo dhex mara taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo saddexdan dowlad goboleed, si meel looga soo wada-jeesto dagaalka adag ee lagula jiro dagaalyahanada kooxda Alshabaab.
Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sidoo kae lagu sheegay in muhiimadda kulamadaasi ay ahaayeen adkeynta xidhiidhka dhinacyadaasi, si loo laba jibaaro howl-gallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda koonfurta iyo badhtamaha dalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com