Koox looga shakiyay in ay ka Tirsan yihiin Ciidanka Dawlada oo la sheegay in Kufsi ay geysteen

Kooxo hubeysan oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yahiin ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney fal kufsi ah ka geysteen magaalada Muqdisho bilowgii. Todobaadkaan

Sida ay sheegayaan Xubno ka Tirsan maamulka dagmada Shangaani ee gobolka Banaadir, falkaan waxaa loo geystay wiil 9-jir ah, waxeyna qoyska dhibanaha sheegeen in falka uu dhacay xilli habeen ah oo ay dableysa usoo dhaceen gurigooda.

“Dhakhtar ayaa noo xaqiijiyay dhibka gaaray wiilka yar, guriga ayuu jiifaa, wuu caafimaad qabaa, balse inaan cadaalad helno ayaan u baahanahay” ayuu yiri awoowaha wiilka yar ee dhibta loo geystay.

Laba qof oo dumar ah oo ku sugnaa guriga ayaa ka badbaaday falka kufsiga ah oo ay geysteen Ragga aan wali la cadeyn hadii ay yahiin ciidamo ka tirsan dowladda iyo hadii ay yahiin burcad.

Qof la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa kooxda falkaan geysatay ayaa ku xiran saldhigga dagmada Shangaani, taliska Booliska wey ka gaabsadeen iney ka hadlaan kiiskaan walow ay xaqiijiyeen iney Warku soo gaaray.

Kufsiga wuu kusoo badanayaa Muqdisho, dhawaan ayey aheyd markii kufsi iyo dil loo geystay gabadh dhawaan ka baxday dugsiga sare oo magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax, waana kiis wali taagan

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com