Taliska Ciidanka Booliska oo ka Warbixiyay Gabar lagu dilay Magaalada Muqdisho

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay kiiska gabar shalay lagu dilay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Shalay 11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meydka gabar lagu dilay, gudaha Degmada Waaberi gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda #Maajo in laga Soo tuuray Marxumad #Xamdi #Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay#Ceelbur dagan Degmada #Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan kuna baastay.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurinta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 #Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran”

Ayaa lagu yiri War qoraal ah oo uu soo saaray taliska ciidanka booliska.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com