Duqa Magaalada Garoowe oo shaaca ka qaaday in la Maxkamadeyn doono mas,uuliyiinta Xasaanada leh ee Canshuurta aan bixin

Duqa Magaalada  Garoowe Axmed Siciid Muuse Axmed Barre, ayaa markii u horraysay shaaciyay in ay maxkamad la tiigsan doonaan Mas’uuliyiinta Xasaanadda leh ee bixin waaya canshuurta sannadlaha ee laga qaado guryaha.

Duqa Garoowe oo su’aal laga weydiiyay sababta ay Dowladda Hoose albaabada ugala baxdo guryaha Canshuurta lagu leeyahay, ayaa sheegay in dadka ugu badan ee aan canshuurta bixin ay yihii mas’uuliyiinta dowladda ee Xasaanadda leh, sidaasi darteedna guryahooda albaabada laga saaro,  maadaama iyaga aan la xirin Karin.

Axmed Barre, ayaa tilmaamay in ay jiraan mas’uuliyiin dowladeed oo xasaanadooda kaga dhuunta Canshuurta ku waajibtay guryahooda, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Mas’uuliyiinta aan canshuurta bixin, ay yihiin kuwa Dowladda Hoose dhaliila, kadib markii ay ku guul-darraysteen in guryahooda ay canshuurta kala baxaan, balse wixii haatan ka dambeeya maxkamad lala tiigsan doono.

Mar wax laga weydiiyay, haddii ay jiraan dad danyar ah oo awoodi waayay bixinta Canshuurta, kadibna albaabada lagala baxay, ayuu ku jawaabay in dadka danyarta ah ay yihiin kuwa ugu horreeya ee Canshuurta bixiya, maadaama aysan deganayn guryo waaweyn oo canshuur badan laga rabo

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com