Jubland oo Halmbalyo U dirtay Ardayda Kaalimaha Hore ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka

Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhammaan Ardayda Jubbaland ugu hambalyeeyay natiijada wanaagsan ee ay Ardaydii gashay imtixaanka dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedkii 2019/2020

Madaxwayne ku xigeenka Jubland ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ardayda ka soo jeedda deegaannada Jubbaland ee kaalimaha hore ka galay imtixaanaadkan ay wasaaradda waxbarashada XFS maanta shaacisay natiijadiisa.

Jubbaland ayaa kaalinta koobaad u gashay dhammaan dawlad goboleedyada dalka ee lagu sameeyay imtixaankan iyada oo ay isku celceliska dhibcaha ardayda Jubbaland ee imtixaankan samaysay ay noqotay 77.00%

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com