Jubbaland ayaa waxay weli ka cago-jiideysaa inay qayb ka noqoto shirka lagu wado in uu Magaalada Muqdisho uga furmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland, Maxamed Axmed Sabriye ayaa faah faahiyay ujeedada ka dambeysa caga-jiidka ay Jubbaland ka muujineyso ka qaybgalka shirkaasi.
“Shirkii Dhuusamareeb 2 waxay Madadxda DFS iyo Jubbaland ku heshiiyeen inta aan Shirka Dhuusamareeb 3 la isugu imaanin in xal rasmi ah laga gaaro arrinta Gobolka Gedo, ciidamadana laga saaro, si looga heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.” Ayuu yiri Agaasimaha.
Agaasimaha ayaa Warsaxaafadeed ku sheegay “Sidaa darteed Madaxweynaha Jubbaland miiska wadahadalka kuma fadhiyo Jubbaland-Gedo ka maqantahay ee wuxuu ku fadhiyaa Jubbaland-ta guud. Heshiiska Doorasho ee uu la gali karo DFS wuxuu imaan karaa kadib marka Gobolka Gedo gacanta Jubbaland lagu soo celiyo, isla-markaasna nooca farsamo, amni iyo goobaha doorashadu ka dhici karto gobolkaasna Jubbaland masuuliyadeeda yeelato.”
Maxamed Axmed Sabriye, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxa uu intaa ku daray “Magacana wado, maamulkana daa meel ma wada gashee meel isugu bayra.”
Ka dib doorashadii lagu murmay ee 22-kii bishii August ee sanadkii hore ka dhacday Magaalada Kismaayo ayay Dowladda Federaalka bilowday inay fara-geliso Jubbaland, iyadoona boqolaal askari gaysay Gobolka Gedo, meeshana ka saartay Maamulkii Gobolka Gedo ee Jubbaland taabacsanaa.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com