Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Isweydiiyay Kulamada uu Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka uu la qaatay Mas,uuliyiin kala duwan, Wuxuuna sheegay inaan loo Baahnayn Ra,iisal wasaare ka yimaada Beesha Hawiye, Wuxuuna sidoo kale sheegay in AHN Maxamed Siyaad Barre uu Xilal sare u dhiibay Jen. Maxamed Cali Samatar AHN
Qoraal uu bartiisa Face buugga ku soo qoray ayaa u qorneyd Sidaan:
“Doorashadii Hirshabelle waxaa lagala hadlayaa Taliyaha Nabadsugidda . Xalka Gedo waxaa ka xaajoonaya Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha Nabad Sugida . Waxaa kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh iyo Taliyaha Nabad Sugida . Madaxweynayaasha maqan waxaa raadinaya Taliyaha Nabad Sugida . Horta sii hayihii aaway? mise waa maqaar saar?
Maxaase Ra,iisal wasaare looga baahanyahay mar haddii uu hawlahan Taliyaha Nabad Sugida uu haayo? Maa wiilka xilka loo magacaabo illeyn xaajo ugub ah maaha oo horay ayaa Maxamad Siyaad xilkaan ugu magacaabay Maxamad Cali Samatar oo beesha shanaad ah, beesha sugaysana dacwadii ayaa ka dhamaatee looga faataxeeyo?ayuu yiri “Siyaasi Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame
Arinta ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay , waxaa dadka Qaarkood ay sheegeen Siyaasi Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur uu u gefay Beelo Soomaaliyeed, Waxaa sidoo kale Dadka Qaar ay ku dhaliileen inuu Nin geeriyooday, Maanta dood ka dhigto.
Khadiiija Maxamed Diiriye oo ah Sii haayaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ahna Xildhibaan ka Tirsan Golaha shacabka ayaa kamid ah Dadka sida kulul uga Jawaabay hadalka ka soo baxay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
“HAWIYE REERKA HOOYO UUNKAAN U JECLAHAY, Soo Barbaar Ayaan ku dhihi lahaa Hadaad tahay Ruux Nool, Laakiin Meyd Soconaya ayaad tahay, Inaad Meytida ka mid tahayna Waxaa kuu Cadaynaaya Magaca Hooyadaa Baa laguugu yeeraa.!
Godka Lagu Jannee Maxamed Cali Samatar Aabahaa ma Hawaysan Jirin iyo Awoowgaa, Maantana Waa adigaa (Fahad Tuuga-ah) Fahad Qoodha Arimisuu ka Kow yahay, ee Isa soo Hubso Xiniinyaha Adiga iyo Kuwa adigoo kaleba Horay baa la idiinka saaraya , Bacda Hubi. “ Ayay Tiri“ Wasiir Khadiija Diiriye.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com