Dib u dhac ayaa ku yimid kulan xalay loo ballansanaa in magaalada Muqdisho uu ku dhexmaro Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubland oo ku sugan Magaalad Muqdisho.
Kulan kaas ayaa la doonayay in looga hadlo Arimaha doorashada sanadka 2020 iyo 2021 iyada oo shirkii Dhuusamareeb 3 lagu go,aamiyay Nuuca doorasho ee Dalka ka dhici doonta balse Madaxda Puntland iyo Jubland aysan ka qayb gelin shirkaasi ayna qaadaceen qodobada ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3
Kulankii ay Iclaamisay Madaxtooyada Soomaaliya ee lagu waday in uu dhexmarao Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha kala ah Deni iyo Axmed Madoobe ayaa baaqday ka dib markii madaxdaasi ay sharuud ku xireen ka qayb galka shirkaasi oo ka dhici lahaa xaruunta Madaxtooyada
Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe ayaa marka hore sharuud uga dhigay in Madaxweyne Farmaajo uu gobolka Gedo ka soo saaro Ciidamada uu geeyay maamulka gobolkaan uu ku wareejiyay Jubland Halka Madaxweyne Deni uu isna sheegay sida laga soo xigtay in uu la tashiyo uu la soo sameeynaayo Madaxda kale ee puntland
Tallabaabadaan ayaa ah caqabad kale oo la soo gudboonaatay Dawlada Federaalka Soomaaliya Taasi oo ay dhici karto haddii aan xal laga gaarin in saameyn ay ku yeelato Arimaha doorashooyinka Dalka
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com