Puntland oo Albaabada u laabtay Xaruumo Waxbasho ee ku yaala Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa maanta Irdaha  u laabtay afar iskuul oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,  goobahaasi waxbarasho ayaa lagu eedeeyay in ay xad-gudub ku sameeyeen nidaamka Waxbarashada Puntland.

Iskuulada la xiray, waxay kala yihiin National School, Cabdullaahi Yusuf School, Hormuud School iyo Waaberi School, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Mudug ee Puntland Axmed Huruuse Xaashi.

Guddoomiye Huruuse, wuxuu sheegay in afarta iskuul albaabada loo laabay kadib markii ay sameeyeen fowdo ka baxsan Nnidaamka Waxbarashada Puntland maadaama aysan wax sharciyad ah ka haysan wasaaradda.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in xabsiga la dhigay maamulayaashii ka hawlgalayey Iskuuladaas iyo hal macallin, kuwaas oo sida uu xusay sharciga la marin doono.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com