Madaxweynaha Dawlad Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta Daahfuray Manhajka waxbarshada Dalka
Manhajkaas ayaa waxaa soo diyaariyay Wasaarada Waxbasharada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Aqoon yahano Soomaali ah oo kaalin weyn ka qaatay diyaarinta Manhajkaasi
Munaasabada Daahfurka Manjhajka waxbarsho ee Dalka ayaa waxaa goob jog ka ahaa Sii haayaha Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidyaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish, Arday iyo Marti sharaf kale
Sii haayaha wasiirka Waxbashara Hidaha iyo Tacliinta Xukuumadda Soomaaliya Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa bartiisa Face Buugga ku soo qoray Sidaan:
Waxaa sharaf iyo farxad weyn inoo ah in Madaxweynaha JFS Mudane, Mohamed Abdullahi Farmaajo uu maanta si rasmi ah noogu daahfuray Manhajka Waxbarashada Qaranka ee Dugsiga Sare.
Waxaan hirgelinnay manhaj waddani ah, aragti iyo dhaqaale Soomaaliyeed la geliyay oo ka turjumaysa baahiyaha dhabta ah ee Soomaaliyada maanta iyo tan mustaqbalka.
Soomaali hanoolaato.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com