Ciidamo ka tirsan Puntland oo Gaaray Laascaanood (Sawiro).

Laascaanood,Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Magaalada Laascaanood.

Ciidamadan iyo sarkaalki hogaaminayay ayaa sheegay in ay isku dhiibeen maamulka Somaliland.

Sarkaalka Hogaaminaya Ciidanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo 30 askari isku dhiibeen Somaliland isla markaana hada wixi ka dambeeya la shaqeyn doonaan.

Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland oo goobta ka hadlay ayaa si diiran u soo dhaweeyay Ciidamada.

Ilaa iyo hada ma jiraan Wax war ah oo ka soo baxay dhanka Puntland oo ay kaga hadlayaan Ciidamada u goostay dhanka Somaliland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com