Puntland Oo Billawday Tirakoobka Ciidammada Daraawiishta Iyo Sababta

 

Ciidamada daraawiishta qeebta 60-maad  oo fadhigoodu yahay xerada taangiyada iyo madaafiixda ee Magaalada Gaalkacyo yaa laga bilaabay Diwaan galinta iyo tirakoobka

Xeryahan oo ay ka socdaan diiiwaan galinta Ciidammada waxaa booqaday Gudiga dib uhabaynta Ciidammada  oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland S/gaas Yaasin Cumar dheere ,Taliyaha Ciidammada booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen.

Wasiirk Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland Muddane xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay waxa yaabaha ay ku taamayso Wasaaradda Maaliyaddu.

“Hadii aysan Dawladdu dhaqaale helin ma jireen Amni iyo kala dabyn, midna ogaada Wasaaradda Maaliyaddu waa a go’antahay in Ciidammada iyo shaqaalahu helaan xuquuqdooda laguna daro horumarka dalka”

Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa uu u mahd celiyay Bulshada teer Puntland  ee Cashuurta ku waajibtay bixiya waxana uu sheegay bixinta Cashuuraha in ay qaybwayn ka tahay dowladnimada Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com