Dagaalo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

Dagaaladaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay ka kala dhaceen degmooyinka Baraawe iyo qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ay u dhaxeeyeen Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

 

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmooyinka Baraawe iyo qoryooleey ,waxaana halkaasi ka dhacay dagaalo culus oo geystay khasaaro kala duwan. Dadka ku nool degmooyinka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ah ay isku adeegsanayeen labada dhinac,isla markaana ay maqleen khasaaro soo gaaray askar iyo dad Shacab ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa dhankooda waxaa ay aragticusub sheegeen inay iska difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaal ay la galeen. Xaalada degmooyinka Baraawe iyo qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan, waxaana la sheegay in duleedka degmooyinkaas ay Ciidamada Dowladda ka wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan ururka  ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen degmooyin iyo degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalladaas ay ku dileen Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.