Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Xarunta Madaxtooyada kuqaabilay siihayaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Mudane Xamsa Saciid Xamsa, iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo arrimo shaqo u yimid Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhagaystay Siihayaha wasaaradda Gargaarka XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug mudane Abdirahman (Makaawe).
Wuxuuna bogaadiyey daddaalka wasaaradda ee arrimaha gargaarka, latacaalida masiibooyinka iyo halis wadareedka.
Ujeedka safarka Sii hayaha Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Somaliya ayaa waxa ay la xiriirtaa sidii qalab kala duwan oo lagu ogaado masiibooyinka loogu wareejin lahaa Maamulka Galmudug.
Horay qalabkaan ayaa waxaa loo gaarsiiyay maamulada Jubbaland & Koonfur Galbeed oo Wasaaradda ay ku wareejisay.