Diyaaradaha Israa’iil oo duqeyn ka geystay Koonfurta lubnaan

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegaysa in Ciidamada Israel ay duqeymo kala duwan ka geysteen goobo ku teedsan xadka dalkaasi uu la wadaago dhulka ay qabsadeen.

Telefishanka al-Manar ee Lubnaan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Israail ay qabsadeen dhul ku yaal Lubnaan ee magaalooyinka koonfurta ee Houla iyo Mays al-Jabal.

 

Sidoo kale waxaa la sheegay in Israa’iil ay dab qabadsiisay dhowr iyo toban goobood oo kuyaala tuulooyinka xuduuda kuyaal ee koonfurta Lubnaan taas oo ay ku tilmaameen taliska ay ku sugnaayeen dad lidi ku ah Amniga Israa’iil.

Saxaafadda Israa’iil ayaa markii hore sheegtay in duqeyntaan ka dambeysay walaac laga qabo cabsi laga qabo inay ku dhex dhuuntaan meel u dhow Kibbutz Menara kooxaha kasoo horjeeda israa’iil.

Shabakada telefishanka Israel 12 ee Israel ayaa xaqiijisay wduqeynta waxayna hoosta ka xariiqday in weerarku dhacay “iyadoo Raiisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu uu fasax ku joogay waqooyiga Is’raaiil.