Madaxda maamula Jubbaland iyo Puntland Saciid cabdulaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo Shir uga socday magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa inay soo saaraan Warsaxaafadeed ku wajahan xaaladda Doorashooyinka ee dalka, Waxayna sidoo kale ku hadli doonaan mawqifkooda siyaasadeed ee ku wajahan Qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusa-Mareeb3 i
Labada Ma,uul ayaa u muuqda in ay diyaar u noqdeen Hirgelinta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhusamareeb 3 iyo noocii doorasho ee lagu go’aamiyey shirkaasi.
Wada hadalo dhexmaray madaxdaasi saacadihii u dambeeyey ay kasoo baxeen qodobo ku wajahan arrimaha heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusa-Mareeb3
Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland ayaa ka soo dabcay go,aankii ay ka qaateen shirkii Dhuusamareeb3 iyaga oo u muuqda kuwo ku qanacsan qodobada shirkaasi ka dib markii beesha caalamka ay kal kulmeen cadaadis laguna tilmaamay qaswadayaal aanan ogoleen miraha shirkii Dhuusamareeb3
Xafiiska Wararka Muqdisho.