Dadkii ugu badnaa oo ku guryo beelay daadad ka dhacay dalka Yemen

Sida ay sheegtay heyada UNHCR dad lagu qiyaasay 300,000 ayaa ku guryo iyo xoolo beelay daadad ka dhacay dalka Yemen sadax bil ee ugu danbeysay.

Dadkan ayaa badankood waxaa horay u saameeyay colaada Yemen ka jirta waxaana hadda ugu darsamay daadad.

 

Meelaha ugu daran oo xitaa ay ku dhinteen 148 qof ayaa ah Marib, Amran, Hajjah, Al Hudaydah, Taizz, Lahj, Aden iyo Abyan.

Yemen oo uu iminka ka jiro dagaal shan jirsaday waxaa UNHCR ay sheegtay 80% dadka ku nool ay u baahanyihiin gargaar bani’aadanimo.

Xafiiska wararka jowhar