Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Garoonka Kubadda Cagta ee Eng yariisow degmada Cabdul Casiis ee Gobolkan Banaadir,waxaana qaraxaasi jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muuse geeseey Jimcaale, xilli la sheegay in uu ku wajahnaa Garoonka oo ay ka socotay Ciyaar u dhaxeysay Kooxda degmada Yaaqshiid iyo dad kale.

Goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in qaraxaasi ay ku geeriyootay hal qof oo ahaa wade mooto bajaaj halka ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale oo Shacab ah, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee qaraxa lala eegtay Muuse Geeseey weli kama hadlin qaraxaas, waxaana goobta qaraxa ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ,kuwaas oo sameeyay howlgal aan wax natiij ah kasoo bixin.

Xafiiska Wararka JOWHAR