Urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland ayaa soo dhaweeyey go’aamadii kasoo bxay shirkii Dhuusa-Mareeb3, waxaana lagu tilmaamay go’aamo wax ku ool ah oo horey u dhaqaajinaya dawlad-dhisida Soomaaliya.
Madaxwenayaasha maamulada Puntland iyo Jubland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa Ururku ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan miiska wada xaajoodyada oo ay qeyb uga noqdaan raadinta Mustaqbalka Soomaaliya
Waa Urur Siyaasadeedkii ugu horeeyay ee ka dhisan Puntland oo Taageera shirka Dhusaamareeb3 iyadoo maamulka Puntland xiligaan uu wajahayo Jahwareer siyaasadeed ee ka imaanaya dhinaca Ururada siyaasadeed iyo xubno ka Tirsan Golaha Wakiilada Puntland kuwaas oo diiday ka qayb galka shir uu isugu yeeray Xildhibaanada Puntland Madaxweynaha Maamulkaasi saciid cabdilaahi Deni
Xafiiska Wararka Muqdisho.