Maxkamadda Al-shabaab ee Gobolka Gedo, ayaa sheegtay in Ragga la toogtay ay u shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wadamo Shisheeye.
Aadan Xassan Maxamed iyo Cabdicasiis Xassan Cabdi, ayay Maxkamadda Al-shabaab ku eedaysay in ay u shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay u gudbin jireen xogaha Al-shabaabka.
Sidoo kale, Diini Cabdulqaadir Maxamed ayay ku eedaysay, in uu basaas u ahaa Dowladda Maraykanka, halka Ciise Cismaan Geelle ay ku eedaysay, in uu la shaqaynayay Sirdoonka Itoobiya.