Hawlgal oo ay Ciidamada Kumaandooska Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay in ay ku burburiyeen Xarumo ay Al-shabaab ku farsamayn jireen Qaraxda.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska DANAB ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas lagu burburiyay Xarumo Qaraxyada lagu farsameeyo oo Al-shabaab ku lahaayeen Degaanka Gendershe ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Hawlgalka lagu qabtay xubno Al-shabaab u qaabilsanaa samaynta Qaraxyada inkastoo aysan tiradooda sheegin .
Taliska DANAB waxay sidoo kale sheegeen in ay sii wadi doonaan Hawlgalada ka socda Gobolka Shabeellada hoose oo lagu beegsanayo Al-shabaab
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com