Qaramada Midoobay oo Cambaareeysay Weerarkii Hotel Elite

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Weerarkii qaraxa ku bilowday ee gelinkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Elite ee xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in weerarkaas   ay ku dhinteen dad aad u badan oo ay ku jireen Mas’uuliyiin, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa tacis tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii iyo ehelkii dadka ku geeriyooday weerarka lagu qaaday Hotelka Elite, halka dadkii halkaas ku dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad Deg-deg ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com