Taliska Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay Khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka Booliska gaashaanle Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay Albaabka hore ee Hotelka ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin.
Af-hayeenka ayaa tilmaamay in weerarka ay ku dhinteen 16 ruux oo 5 ka mid ah ay yihiin kooxdii weerarka soo qaadday halka ay ku dhaawacmeen 13 ruux oo kale islamarkaana Booliisku soo badbaadiyay 300 oo qof kuwaas oo ku go’doonsanaa Hoteelka.
Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa kamid ah Agaasimihii xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi.