Maraykanka oo saldhig Militari ka sameysanaya Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraynka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ay kulan qarsoodiya ku yeesheen Caasimadda Waddanka Jabuuti.

Kulankaas , ayaa la sheegay  intiisa badan diiradda lagu saaray Arrimo la xiriira Saldhig Ciidan oo Taliska AFRICOM ka samaysanayo meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, kaas laga qaadi doono Hawlagallada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish.

Saldhiga cusub, waxa Hawlgallo wadajir ah ka qaadi doona Taliska AFRICOM iyo Ciidanka  Puntland ee loo yaqaan PSF, si loo wiiqo Awoodda Al-shabaab iyo Daacish ku leeyihiin Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com