Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulanka dhinaca qadka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Safiirka ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.
“Waxaan qadka ku wada hadalnay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto, oo aan ka isla soo qaadney xaaladda guud ee Soomaaliya. Si gaar ah waxaan uga hadalnay arrimaha doorashooyinka, Amniga, wadahadallada Somaliland iyo qatarta caafimaad ee Covid-19 ayuu yiri” Sheekh Shariif.
Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyay doorka taageero ee dowladda Finland ay Somaaliya la garab taagantahay.