Danjire Maxamed Maxamuud Caalim oo ka Mid ah Aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Finland ayaa waraysi uu bixiyay Kaga hadlay Isbadalka siyaasadeed ee ee Dalka Soomaaliya ka Jira
Danjire Caalim ayaa ka hadlay Xilka ka qaadistii Ra’iisal wasaare Xasan cali Kheyre ay ku Sameeyeen Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo Codka Kalsoonida kala noqday Xukuumaddii Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya xasan cali Kheyre
Sidoo Kale Danjire Caalim ayaa Fariin u diray Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed cabdilaahi farmaajo ee la xiriirta soo magacaabista Ra’iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Islamarkaana bedelaya Ra’iisal wasaarihii Codka kalsoonida ay kala noqdeen Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya xasan Cali Kheyre