Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Yuusuf Galti.
Marxuumka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaalka Ordogaan ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho balse xanuunkii hayay ayuu ugu dambeyn u geeriyooday Marxuumka.
Geerida Xildhibaanka waxaa xaqiiqjiyay qaar kamid ah Eheladiisa waxaana geerida ka tacsiyeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor isagoo Alle uga baryay in uu ka waraabiyo Naxariista Jannatul fardowsa
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com