Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in wejiga saddexaad ee shirka wadatashiga dhuusamareeb uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana ay ka qeyb-gali doonaan Guddoonka labada Gole ee Baarlamanka Federaalka.
Wasiir Maareeye, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka ay ka qeyb-gali doonaan Xisbiyada Mucaaradka ah dalka iyo Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, si loo ballaariyo wadatashiga masiirka dalka, waxaana uu intaa ku daray waxyaabaha ka soo baxa Shirkaas dib loogu celin doono Golaha Baarlamanka.
15 bisha soo socota ee Agoosto ayaa lagu wadaa in Wejiga sadexaad ee shirka wadatashiga Dhuusamareeb , ay ka qeyb-gali doonaan madaxda Federaalka ,kuwa Dowlada Goboleedyada dalka, Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Mucaaradka, si looga tashado Arrimaha Doorashada Dalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com