Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha degmada Wadajir, Cabdiraxmaan Maxamed Cali.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa xilka looga qaaday Cabdiraxmaan Maxamed Cali., iyadoona guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir ee loo magacaabay, Bashiir Maxamed waxana la sheegay in walaalo yihiin mas’uulka xilka laga qaaday.
Sababta xilka looga qaaday guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cali. ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayey dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com