Madaxweyne Deni oo Uururada bulshada Rayidka ah kula kulmay Dhuusamareeb

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bulshadda Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Ururada Bulshadda Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweyne Deni  in ay soo dhoweeyeen Shirkii Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena  ay rajo wanaagsan ka qabaan Shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Kulanka oo looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda 2020/2021.

waxay Ururada Bulshadu muujiyeen sida loogu baahanahay in laga heshiiyo nooc doorasho oo dalka ka dhacda, taasi oo ku qabsoomi karta muddada wakhtiga ka harsan iyo in Haweenku helaan qoondo ku filan.

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada Soomaaliya iyo kaalintii ay ku lahaayeen marxaladahii kala duwanaa ee dalku soo maray.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com