Fanaan maraykan ah oo isu soo sharaxay madaxtinimada dalka maraykanka

Kanye West ayaa si rasmi ah u billaabay ololihiisa doorashada 2020-ka ee madaxtinimada Mareykanka, wuxuuna isu soo bax kala daadsan ku qabsaday magaalada Charleston ee South Carolina.

West, oo 43 sano jir ah, waa musharax madaxbannaan oo qaabkiisa u gaarka ah ugu tartamaya doorashada Mareykanka.

Hadal uu ka jeediyay isu soo baxa, wuxuu fannaankan u muuqday inuu go’aano siyaasadeed oo waaweyn uu ka hadlay isagoo xitaa aan isu soo diyaarin – arrimaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa ilmo-iska soo xaaqidda iyo hawwenydii lagu magacaabay Harriet Tubman.

Taageerayaashiisa ayaa la yaaban Fanaanka, waxayna is weydiinayaan sababta uu xilligan kala guurka u billaabay ololihiisa doorashada. Dadka qaar waxay u arkaan inuu isku soo caanbixinayo.

Isu soo bixii Charleston waxba kama badalin shakiga laga qabo in ay daacad ka tahay ololaha doorashada madaxweynaha Mareykanka uu ugu jira.

Sidoo kale, farriin uu, Kanye West, Sabtidii Twitter-ka soo dhigay oo laga tiray hadda, waxay sii xoojisay wararka la isla dhexmarayo ee shakiga abuuraya.

Kullan uu ku qabtay hoolka shirarka iyo aroosyada ee magaalada, waxaa la sheegay inuu u furnaa martida gaarka ah ee is diiwaangelisay oo keli ah, balse boggiisa ololaha doorashada maba ahan mid shaqeynaya oo dadka ay isku diiwaangelin karaan.

Xigasho BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com