Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku Edeeyay Dawlada federaalka in ay ka gabasay wax u qabashada Dadka saameynta uu ku yeeshay fataahada wabiga shabeele uu ka geystay Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose iyo Degaano hoostaga Degmada Balcad
Sidoo kal Xildhibaan Dalxa ayaa hadlay khasaaraha ka dhashay fatahaada wabiga uu ka geystay Degmada Afgooye isaga oo sheegay in Dad badan weli ay ku go,doon san yihiin Tuulooyin hoostaga Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose Waxana uu ku baaqay in gurmad Deg Deg ah lala gaaro dadka saameynta uu ku yeeshay Fatahaada Wabiga shabeele uu ka geystay Degmada Afgooye iyo Tuulooyinka hoostaga iyo Tuulooyin ka Tirsan Degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe.